Kulan Duco iyo Qur’aan Akhris ah oo Muqdisho loogu qabtay Marxuum Macallin Cabdiraxmaan Macloow Abiikar: SAWIRRO

0
343

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka gobolka Banaadir, mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa ka qayb-galay kulan duco iyo Qur’aan akhris loo sameeyay Allaha u naxriistee, marxuum Macallin Cabdiraxmaan Macloow Abiikar oo ka mid ahaa macallimiinta dugsiga Hoose/Dhexe ee SIIDII, marxuumkaas oo gacan ka xaq-daran ee dishay.

Kulankan baroordiiqda ahaa, ayaa waxaa kasoo qayb-galay madax ka socotay wasaarada waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee XFS, bahda dalladaha waxbarashada, midowga dugsiyadda G/Banaadir, midowga jaamacadaha, ururka macallimiinta Soomaaliyeed, arday iyo waaliddiin.

Ugu dambeyn, Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka gobolka Banaadir, mudane C/casiis Cisman Maxamed ayaa sheegay in lagu raad-joogo gacan ku dhiiglihii falka dilka ah geystay si ay cadaalad u helaan fimilka iyo bahda waxbarashada. Sidoo kale waxa uu sheegay in maamulka G/Banaadir uu kafaalad qaadayo noloshada hooyada dhashay marxuum, Macallin Cabdiraxmaan Maclow Abiikar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here