Agaasimaha Waaxda Nadaafada oo Shacabka Caasimadda ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Nadaafadda: MUUQAAL

0
370

Agaasimaha Waaxda Nadaafadda iyo bilic soo celinta Dowladda Hoose ee Xamar, Maxsmed Suudi Maxamuud iyo Guddoomiyaha degmada Hodan, Cali Axmed Faarax ahaa ugu baaqay shacabka inay ka shaqeeyaan nadaafadda goobaha ay ku nool yihiin

Agaasimaha Waaxda Nadaafadda oo hadal ka jeediyay hawl nadafadeed oo laga fuliyay habeennimadii xalay waddooyinka isku xira Tarabuunka iyo Isbitaalka Erdogan ee degmads Hodan, inaan la aqbali doonin in qashinka la hor-dhoobo guryaha, isla markaana la waayo waddooyin loosoo maro.

“Waxaa nasiib-darro ah in guri lagu qarash gareeyay lacag ka badan hal milyan oo doollar in waddadii loo mari lahaa ay burbursan tahay,” ayuu yiri Agaasime Suudi oo intaas ku daray: “Degmada Hodan oo ah tan ugu quruxda badan marka la eego dhismayaasha aadka u waaweyn caasimadda, inaan nadaafaddeeda laga shawryn waa mid aan la aqbali karin.”

Dhanka kale, Guddoomiyaha Degmada Hosan Cali Axmed Faarax oo isagana la hadlay warbaahinta ahaa sheegay inay waddooyin u bixin doonaan xaafadaha degmada, gaar ahaan kuwa ku yaalla Tarabuunka.

“Runtii deegaanka Tarabuunka dhibaato aad u weyn ayaa ka jirta, waddooyin ma lahan, nadaafad kama jirto. Waxaa jira guddi aan u xilsaarnay inay waddooyin u bixiyaan, sida ugu dhaqsiyaha badan ayayna u hawlgeli doonaan. Qodka daggan dhul uu leeyahay ha hagaajiyo, qofkii daggan dhul dowladeed waa inuu hagaajistaa,” ayuu yiri Cali Axmed.

Ugu dambeyn. Guddoomiye Cali Axmed ayaa sheegay in aysan jirin qod laga aqbalayo in nadaafadda goobteeda ganacsi iyo guryaheeda ay qashin caqabad ku ah nadaafadda ay horyaallaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here