Kooxaha Kubadda Cagta MCC iyo Horseed oo isku arkaya kulan lagu Xusayo Shuhaddadii Qaraxii Aqalka Dowladda Hoose

0
274

Garoonka Kubadda Cagta ee Inj. Yariisow waxaa kulan adag uu galabta ku dhexmari doonaa kooxaha kubadda cagta ee MCC (Muqdisho City Club) iyo Horseed, waxa uuna kulankan qayb ka yahay; xuska iyo xusuusta shuhaddadii lagu waayay qaraxii Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ka dhacay afar sano ka hor.

Weerarkaas oo ay fuliyeen Khawaarijta ayaa waxaa lagu dilay mas’uuliyiin fara badan oo uu ugu horreeyo guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqa Muqdisho, Inj. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Inj. Yariisoow), waxaana dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen mas’uuliyiin kale.

Kulanka galabta ayaa waxa ka horreeyay kulan Qu’aan akhris iyo duco isugu jiray oo Jimcihii xarunta Macallin Nuur ee Muqdisho loogu sameeyay Shuhaddadii ku naf-waayay qaraxii Khawaarijtu ka geysteen Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar – 24/7/2019.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here