Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay ganacsato isugu jirta Soomaali iyo kuwo u dhashay Finland oo Magaalada Muqdisho u yimid sidii ay u maal-gashan lahaayeen.
Kulankan oo uu goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa ugu horeyn waxaa warbixin laga dhageystay ganacsade, Cabdi Cabdulle Cismaan oo wafdiga hoggaaminayay isaga oo sheegay in ay Muqdisho u yimaadeen sidii ay u fulin lahaayeen arrimo ay ka mid yihiin; xal u helidda iyo maareynta bullaacadaha dhismooyinka Muqdisho, shaqa abuurka bulshada iyo fulinta mashaariic wax-tar leh.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Madaale ayaa sheegay in maamulkiisu uu taageerayo wax kasta oo waxtar u leh bulshada iyo bilicda caasimadda, isla markaana ay muhiim tahay in maal-gashado Caasimadda.















