Guddoomiyaha Degmada Hodan oo Dhagax-dhigay waddo muhiin ah oo laga hirgelinayo Saybiyaano: SAWIRRO

0
405

Guddoomiyaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir, mudane Cali Fahle ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuca hir-galinta dhismaha waddo muhiim ah oo ka baxda Saybiyaano, kaas oo hirgalinteeda iska kaashan doonan bulshada deegaanka iyo maamulka Degmada.

Dhagax-dhigan waxaa goobjoog ka ahaa ganacsato iyo qaar ka mid ah bulshada deegaanka, kuwaas oo ka mahad-celiyay qorshaha dhismaha waddadan iyaga oo sheegay in hirgalinta dhismahan uu yahay mid baahi weyn loo qabay.

Sidoo kale, Guddoomiye Cali Fahle ayaa dhagax-dhigay wajiga labaad ee dhismaha Interlock waddada dagmada kaas oo qeyb ka noqon doono horumarinta bilicda iyo isku socodka gaadiidka iyo bulshada.

Ugu dambeyn, Dhagax-dhiga kaddib ayaa maamulka degmada waxa uu kormeer ku sameeyay qaar ka mid ah waddooyin dhawr ah oo laga hirgaliyay degmada Hodan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here