Imaaraadka oo deeq soo gaarsiiyay Muqdisho

0
318

Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta oo ka jawaabeysa dalabkii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in Gargaar lala soo gaaro dadka Sooamaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen ayaa maanta 55 tan oo cunto nafaqeysan iyo gargaar daawo ah soo gaarsiiyey Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha oo ay hor kaceyso Wasiirka gargaarka Khadiijo Maxmed Diiriye ayaa deeqdan ku guddoomay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana goobjoog ahaa Ra’iisul Waraasyaha Soomaaliya Maxmed Xuseen Rooble.

Deeqdan ayaa noqoneysa tii ugu horeysey ee soo gaarta xukuumadda Soomaaliya, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday Madaxda kale ee dalalaka saaxiibka la ah Soomaaliya in ay gurmad la soo gaaraan Dowladda Soomaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here