SAWIRRO: Banaanbax lagu taageerayo heshiiskii Turkiga iyo Soomaaliya oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

0
341

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kumannaan ka tirsan shacabka ku nool caasimadda kala qayb-galay banaanbax lagu taageerayay heshiiska iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha badda oo ay wada-galeyn dowladda Turkiya iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Banaan-baxaan ayaa ahaa mid shacabka gobolka Banaadir ay ugu mahad-celinayeen madaxwaynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, madaxda iyo xubanaha labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Somalia iyo xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare, Xamsa Cabdi Barre, ansixinta ay ansixiyeen heshiiskaas.

Dibadbaxayaasha ayaa iyagoo wata boorar iyo caalamada Turkiya iyo Soomaaliya waxa ay socod kusoo mareen qaybo ka tirsan wadooyinka Caasimadda, iyaga oo isugu yimid garoonka kubadda cagta ee Inj. Yariisow Stadium halkaas oo ay kula hadleen madaxda maamulka gobolka Banaadir, xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan xukuumada federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here