Kulan looga hadlayay dardar-gelinta tartanka kubadda Koleyga ee Gobolka Banaadir oo lagu qqbtay Muqdisho: SAWIRRO

0
424

Maamulka isboortiga Gobolka Banaadir ayaa shir looga hadlayay qabashada tartanka kubadda koleyga ee wiilal iyo gabdho ee degmooyinka Iyo deegaannada Gobolka Banaadir ku qabtay Magaalada Muqdisho.

Shirka waxaa ka qaybgalay guddoomiyaha isboortiga G/Banaadir, guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga iyo guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada koleyga, Agaasinka ee Caafimaadka G/Banaadir, guddoomiye ku xigeennada iyo madax qaybeedyada xafiiska isboortiga Gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa kubadda koleyga Gobolka iyo in si degdeg ah loo qabto tartanka kubadda koleyga degmooyinka iyo deegaannada caasimadda oo qayb ka ah qorshaha sanadlaha ah ee xafiiska isboortiga Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Tartanka la qorsheeyay in loo qabto hannaan sare u qaadi doona xiisaha tartanka, fursadna u abuuri doona dhallinyarada hibada uleh ciyaarta kubadda koleyga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here