Duqa Muqdisho Kulan lagu dardar-gelinayay arrimaha ku saabsan fasaxa dhismaha ku qabtay Xarunta Gobolka Banaadir: SAWIRRO

0
231

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan looga hadlayay dardar-galinta arrimaha la xiriira fasaxa dhismaha la qaatay qaar ka mid ah agaasimeyaasha iyo hawl-wadeennada maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Kulankan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa agaasimaha guud ee dakhliyada kala duwan, agaasimaha dhismo-wadaagga, agaasimaha ICT, injineerada gobolka Banaadir, joomitirada iyo dhamman shaqaalaha fasaxa dhismaha ee Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kula dardaarmay agaasimeyaasha iyo hawl-wadeennada in aan fasax la siin karin ciddii aan marin habraaca dhismaha ee fasaxyada, isla markaan waaxda dhismo wadaagga ay mas’uul ka tahay ilaalinta tayada iyo habraaca fasaxyada, bulshadana la doonayo in ay u hogaansamaan habraacyada Dowlassa Hoose ee Xamar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here