MUUQAAL: Fikirka Xagjireynta ee Al-shabaab oo maanta looga hadlay shirka culummada

0
96

Shirweynaha culummada Soomaaliyeed oo maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho ayaa mashaa’ikhdu waxa ay ku soo bandhigeen sharciyadda diimeed ee dagaalka ka dhanka ah khawaarijta Al-shabaab, muhiimadda uu leeyahay iyo dabar-goynta sababaha keena xagjirnimada.

Shirkan oo socon doona illaa Khamiista toddobaadkan ayaa qodobbada ugu muhiimsan ee looga hadlayo ay ka mid tahay fikirka xagjirnimada iyo dagaalka kooxdan lagula jiro.

Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa shirka ka qaybgalaya, iyadoo culummadu ay soo bandhigayaan aragtiyada sharci ee kooxaha argagaxisada oo ay dowladdu dagaalka adag kula jirto.

Sheekh Xasan Maxamed Ibraahim oo ka mid ah culummada shirweynahan ka hadlaya ayaa soo jeediyay khudbo uu uga hadlay khatarta fikirka xagjirnimada ah iyo dhibaatada uu ku hayo shacabka Soomaaliyeed, isagoo soobandhigay xukunka sharciga ah ee argagixisada dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here