Macallinka kooxda Inter Milan, Simone Inzaghi ayaa sheegay inuu la dhacsan yahay laylinta macallin Pep Guardiola ee Manchester City, waxa uu sheegay in ay kooxdiisu ku qasban tahay inay la yimaadaan heerkii ugu sarreyay si ay ugu guulaysataan finalka ciyaarta Champions League labada kooxood dhexmari doona Sabtida soo aaddan.
Hadalka Inzaghi ayaa imaanaya kaddib markii Man City ay ku guuleystay koobka FA-ga toddobaadkan iyo horyaalkiisii 5-aad ee PL lixdii xilli ciyaareed ee u dambeeyay. Isagoo si cad u sheegay in Pep Guardiola uu ku biiray; Arsene Wenger iyo Alex Ferguson oo ah tababareyaasha kaliya ee ku guuleystay horyaalka iyo FA-ga wax ka badan laba jeer.
Kooxda Inter ayaa 11 guul gaarta 12-kii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan, waxaana kooxda Inzaghi ay sidoo kale soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah.
Sidoo kale, Naadiga Inter Milan ayaa ku guuleysatay labada koob oo kala ah Coppa Italia iyo Super Cup-ka Talyaaniga, taas oo kor u qaadday kalsoonida ay ku qabaan in ay ku guuleysan karaan finalka Champions League-ga oo ay ku wajahayaan Man City oo ah koox adag, waxa ayna cayaartooda ka dhici doontaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
“Cayaarta aan la yeelanayno Man Citi waxa ay noqon doontaa mid aad muhiim noogu ah, waayo wqa cayaar aan guul ka gaari karno ama aan wax ku baranayno,” ayuu ku yiri Simone Inzaghi shir jaraa’id oo shalay uu qabtay.
Macallinka Inter ayaa hadalkiisa raaciyay: “Waa in aan dhammaanteen si taxaddar leh u ciyaarnaa, waan ognahay inaan wajahi doono kooxda ugu wanagsan dunida oo heysata ciyartooy cajiib ah iyo tababare taariikh leh.”
Dhanka kale, Tababare Inzaghi ayaa carrab-dhabay in kulankan uu noqon doono midkii ugu muhiimsanaa ee kooxdu ay xirfadeeda kusoo bandhigi marto, isla markaana ay abaal-marinno heli doonaancayaartoyda oo dhan, haddii ay gacanta kooxda soo geliyaan koobkan qiimaha badan.
“Waxay noqon doontaa habeenkaas midkii aan ku xaqiijin lahayn inaan wax badan qabannay dhammaan cayaarihii aan dheelnay sannadkan,” ayuu yiri, waxa uuna ku daray. “Waxaan qabaa in koobkan aan ku guuleysan karno haddii aam muujinno isku kalsoonaan iyo cayaar wanaaga qoto dheer.”
Kooxda Manchester City ayaa dhankeeda dadaal xooggan ugu jirta sidii ay koobkan ugu guuleysan lahayd, waxa uuna Inzaghi sheegay in kooxdiisu ay dadaal badan u galayso sidii ay ku hantin lahayd koobkan markii ugu horreysay tan iyo sannadkii 2010-kii
Ugu dambeyn, Simone Inzaghi ayaa yiri: “Sababta ay kooxda Man City u helayaan natiijooyinka is-daba-joogga ah, waa koox dhamaystiran; farsamo ahaan, ciyaartoy ahaan iyo xifadahooda kubbadeed, waana koox kubad heysasho badan, sidoo kalena uu weerarkooduna wanaagsan yahay.”













