Mas’uuliyiin Maamulka G/Banaadir ka tirsan oo Turkiga kula kulmay Duqa Magaalada Sakarya: SAWIRRO

0
272

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir, mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed uu wehliyo agaasimaha waaxda xiriirka arrimaha dibadda maamulka gobolka Banaadir, mudane Maxamed Xasan ayaa kulan la qaatay duqa magaalada Sakarya ee dalka Turkiga, mudane Ekrem Yüce, iyaga oo kawada-hadlay dhawr ajando oo muhiim ah.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Sakarya ayaa looga hadlay; iskaashiga iyo horumarinta labada magaalo ee Muqdisho iyo Sakarya, wax is dhaafsiga, taageerada tababarada shaqaalaha la xariira iyo in uu duqa magaalada Sakarya ee dalka Turkiga, mudane Ekrem Yüce uu booqasha rasmi ah ku yimaado caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here