
Shirka sanadlaha ah ee Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Iyo hay”adaha DFS ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Muqdisho, si loo dar dargeliyo howlaha shaqo ee dowladda.
Shirka ayaa waxaa goob joog ka ah dhamaan Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha iyo haydaha kale ee dowladda Soomaaliya.
Ajandayaasha ugu muhiimsan ee shirka lagu soo bandhigi doono waxaa ka mid ah:-
- ka warbiximnta waxyaabihii u qabsoomay hay’adaha kala duwan Dowladda Fededaalka Soomalaiyeed.
- Soo bandhigidda waxqabadka hay’adaha dowladda federaalka sannadka 2020 iyo qorshe howleedka 2021.
- Dar-dar gelinta hirgalinta Qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliyeed(QHQ9-Aad).
- Joogteynta shirarka Agaasimeyaasha Guud oo laf-dhabar u shaqada Qaranka.













