Munaasabad ka dhacday Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa xilka kula kala wareegay agaasimaha cusub ee waaxda farsamada dhulka Mudane Yaasiin Nuur Ciise iyo agaasimihii hore ee waaxdaas, Mudane Cali Macalin Xuseen (Cali Saliid).
Munaasabadda xil-wareejinta waxaa goob-joog ka ahaa qaar ka mid ah agaasima-yaasha guud ee maamulka Gobolka Banaadir, agaasime waaxeedyo, wakiilka duqa ee arrimaha dhulka iyo hawlwadeenno kale oo ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.
Ugu dambeyn, Agaasimaha waaxda shaqada iyo shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar Mudane Xuseen Cabdullaahi Xasan ayaa xilka u kala wareejiyay labada agaasime, kaddib markii uu dhawaan isbeddel ku sameeyay waaxdaas Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).






















