Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay wejiga labaaad ee tartan aqooneedka Qurโaanka Kariimka ee maamulka gobolka Banaadir, kaasi oo wajigiisa koowaad kasoo socday degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir.
Duqa Muqdisho, Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay munaasabada ayaa ugu horeyn u mahad-celiyay macallimiinta, guddiga garsoorka iyo culumada Soomaaliyeed, doorkooda ku aaddan in ay waqti geliyaan waxa ugu fiican ee lagu tartamo oo ah xifdinta Qur’aanka Kariimka. Isaga oo balanqaaday in uu xajka u diri doonno waalidka ardeyga ku guuleysta tartanka Qur’aanka Kariimka ee maamulka gobolka Banaadir.
Munaasabadda furitaanka tartankan waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyi-gelinta maamulka gobolka Banaadir, guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka G/Banaadir, culummaaโuddiin, guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo deegaanada G/Banaadir, agaasimeyaal, waaxda diinta iyo awqaafta maamulka gobolka Banaadir, waaliddiin iyo ardeyda tartamayaasha Qurโaanka Kariimka.




















































