Duqa Muqdisho oo Odayaasha Dhaqanka kala Hadlay Diiwaan-gelinta Dadweynaha, Doorashooyinka iyo Difaaca Dalka: SAWIRRO

0
283

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, iyagoo ka wada-hadlay dardar-gelinta isdiiwan-gelinta dadweynaha ee doorashooyinka iyo difaaca dalka

“Waxaan gaaraynaa horumar weyn, si aad qofka adigu aad rabto u doorato hadda isdiiwaan-geliya, si qofka aad doorato aad barri kula xisaabtanto mas’uuliyadda aad u dooratay,” ayuu yiri Duqa Muqdisho oo ku daray hadalkiisa in loo baahan yahay in si wadajir ah la isaga kaashado difaaca dalka iyo doorashooyinka.

Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen wasiir-u-dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha XFS iyo guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir ayaa waxay odayaasha dhaqanka hoosta ka xariiqeen inay qaadan doonaan doorkooda ku aaddan difaaca dalka iyo is-diiwaan-gelinta doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here