Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ay wehlinayaan guddoomiyeyaasha degmooyinka Yaaqshiid, Suleymaan Fargax iyo Heliwaa, Mire Dhuxuloow ayaa kormeer shaqo ku tagay xaafado ka tirsan labada degmo.
Ujeeddada kormeerkan oo ahaa u kuur-galidda xaaladda amniga iyo habsami u socodka ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa bulshada, ayaa waxaa mas’uuliyiintu ay ku tageen xaafadaha; Suuqa Xoolaha, SOS, Tookiyo, Suuq-Bacaad, Ex-koontrol iyo xaafado kale.
Sidoo kale, mas’uuliyiinta uu guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda G/Banaadir hoggaaminayay ayaa xaafadda Tookiyo ee waaxda Heegan ee degmada Yaaqshiid kula kulmay dadka deegaanka oo ay ka dhageysteen cabasho ay ka qabaan dhibaato xaafaddaas ku hayaan kooxo ciyaal weero ah.
Dhageysiga cabashada kadib, guddoomiye ku xigeenka ayaa faray hay’adaha amniga ee degmadaas in ay si deg-deg ah uga hawlgalaan arrintan bulshaduna ay si nabad ah ku soomaan kuna aadaan salaadda Taraawiixda.




























