SAWIRRO: Maamulka, Macallimiinta iyo Cayaartoyda Naadiga MCC oo loo sameeyay Afur Wadareed

0
154

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa kulan afur iyo dhiirri-gelin isugu jiray u sameeyay maamulka, macallimiinta, cayaartoyda iyo qaar ka mid ah taageerayaasha naadiga kubadda cagta ee Dowladda Hoose ee Xamar (MCC), iyada oo munaasabadda afurka ah ay goob-joog ka ahaayeen bahda Isboortiga dalka.

Guddoomiyaha naadiga MCC, mudane Abuukar Maxamed Sheekh oo afurka kadib halkaas ka hadlay ayaa ka warbixiyay heerka uu tiigsanaayo naadiga MCC iyo guulaha ay gaareen bilooyinkii lasoo dhaafay, isaga oo ugu mahad-celiyay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) sida ay ugu go’an tahay hormarinta Isboortiga, gaar ahaan naadiga MCC.

Ugu dambeyn, waxaa munaasabadda ka hadlay agaasimaha guud ee arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka gobolka Banaadir, mudane Cabdullaahi Aadan Muuse oo ku amaanay maamulka naadiga (MCC) wax-qabadka iyo fir-fircoonida ku aaddan horumarka ay ka gaarayaan tartamada kubadda cagta dalka, waxa uuna ugu baaqay in ay laba-jibaaraan dadaalkooda si ay u hantaan koobka horyaalka kubadda cagta dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here