GUDDOOMIYE MADAALE: Lama aqbali karo in la jabiyo Xeerkii Xakameyntay hubka waa-weyn ee lagu dhex-wato Caasimadda: MUUQAAL

0
480

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo hadal ka jeediyay maanta munaasabad lagu dallacsiinayay askar ka tirsan booliiska ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin in la jabiyo xeerkii xayiraadda hubka gaadiidka ku rakiban ee lagu dhex-wato caasimadda.

“Lama aqbali karo in la jabiyo xeerarkii loo dajiyay xakameynta gadiidka uu saaran yahay hubka waaweyn, waana in tallaabo la qaadaa si loo xaqiijiyo dhaqan-galka xeerkii horay loo dajiyay,” ayuu yiri Duqa Muqdisho, Yuusuf Madaale.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka ayaa sheegay in shacabka Muqdisho ay bilihii la soo dhaafay ku diirsadeen kama mahad-celiyeen amniga caasimadda ka jira, Duqa Muqdiaho waxa uu sheegay in cayaarihii gobollada ee lagu qabtay Muqdisho si weyn looga soo dhaweeyay caalamka, waxaana xudun u ahaa buu yiri xeerkii xakameynta hubka ee Caasimadda.

Dhanka kale, waxaa munaasabadda ka hadlay saraakil uunka mid ahaa; taliyaha booliiska Soomaaliyeed, waxayna si isku mid ah u muujiyeen sida loogu baahan yahay in la xoojiyo xeerkii xakameynta hubka ee xilli gore laga hirgeliyay Muqdisho.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, Jen. Sulub Axmed Firin: ”Saraakiisha ciidanka iyo cid kasta oo ku xadgudubta amniga caasimada iyo xakamaynta hubka cadaaladda ayaa horgayn donaa.”

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Jen. Mahad Cabdiraxmaan: ”Saraakiisha maanta darajooyinka loo xirayo waa in ay si hufan ugu adeegaan bulshadooda.”

Gudoomiyaha Maxkamada darajada 1-aad Gaashaale Sare Shuute: “Caasimadda dhexdeeda in hub lagu dhex-wato waa mamnuuc.”

Gudoomiyaha guddi hoosaadka amniga golaha shacabka, mudane Nuur Axmed Diiriye: “Waa in gacan adag lagu qabtaa cid waliba oo aan u hogaansamin xeerka xakamaynta hubka ee caasimadda”

Wasiir-u-dowlaha Amniga Gudaha Somalia mudane Maxamed Cali Xagaa: ”Waxa aan idin xasuusinayaa in sanadkan 2024-ka uu yahay sanadkii aan la wareegi lahayn amniga guud ee dalka.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here