Hay’adaha amaanka dowladda federaalka Somalia oo gacanta ku haya galka baarista weerarkii khawaarijtu ay ka gaysteen Hotel SYL ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen 16 eedeysane oo ku lug lahaa weerarkaas.
Hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa ku guulaysatay in ay soo qabato Abdinaasir Daahir Nuur oo ahaa shaqsigii suura-galiyay in magaalada Muqdisho ay soo galaan gawaarida falka argagixiso lagu geystay.
Sidoo kale, dadka la qabtay waxaa ka mid ah; afar eedeysane oo ku diiwaan-gashan milkiyadda labada gaari ee khawaarijtu u adeegsatay weerarka Hotelka SYL.
Waxaa kale oo baaris ay ku socotaa shan xubnood oo ka tirsan ciidanka ammaanka dowladda federaalka Somalia kuwaas oo ka shaqaynayay baraha baaris ee kooxda Khawaarijtu ay ka soo gudbeen.
Warbixin ay DFS soo saartay ayaa lagu sheegay in shacabka Soomaaliyeed lala wadaagi doonaa caddaymo dhameystiran kuwaas oo muujinaya dhagarta shabakadan Khawaarijta ah iyo gungaarka hay’adaha baarista.
Ugu dambeyn, Dhammaan shabakadda khawaarijta ah ee la qabtay iyo eedeysaneyaasha kale ee loo haysto kiiskan, waxaa loo gudbin doonaa maxkamadda shaqada ku leh, waxaana ay hortagi doonaan cadaaladda.













