Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Glguddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda, mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa ka qaybgalay kulan lagu daahfuray mashruuca kobcinta maamulka kheyraadka Soomaaliya (SERP) iyadoo madasha ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka tiran dowladda federaalka Soomaaliya, dowladaha xubnaha ka ah iyo madax ka socotay Bangiga Adduunka (World Bank).
Mudane Ciise Guure ayaa Muqdisho kusoo dhaweeyay madaxda maamullada dalka iyo kuwa hay’adaha caalamiga, isaga oo sheegay in mashruucan (SERP) uu yahay mid taageerayo xoojinta shan tiir oo dowli ah oo ay ugu waaweyn yihiin seddexda qaybood ee kala ah:
• Maareynta kharashka dowliga ah (PFM)
• Abaabulka dakhliga gudaha (DRM)
• Maareynta hay’adaha sowliga ah (PSM)
Ku-simaha Duqa Muqdisho ayaa tibaaxay in mashruucan ay maal-gelineyso World Bank uu taageero farsamo siinayo howl-wadeennada dowladda Somalia labadeeda heer iyo maamulka gobolka Banaadir.
Ugu dambeyn, waxa uu madasha la wadaagay n maamulka gobolka Banaadir uu haatan ku hawlan yahay dhammaan siyaasadihii iyo habraacyada saldhigga u ah fulinta iyo ku dhaqanka nidaamka maareynta kharashka dowliga ah (PFM), kaas oo ay ka farcamayaan daah-furnaanta maaliyadda iyo Isla-xisaabtanka.



















