Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee degmooyinka gobolka Banaadir, kaasoo looga hadlay arrimaha is-diiwaan-gelinta dadweynaha ee doorashooyinka tooska ah iyo hawlaha dib-u-dhiska kaabayaasha.
Duqa Magaalada Muqdisho ayaa faray guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir in la dar-dargeliyo is-diiwaan-gelinta dadweynaha ee doorashooyinka tooska ah, si shacabka caasimadda ay u soo doortaan golayaasha deegaanka iyo cidda hoggaanka u qaban lahayd.
Ugu dambeyn, Shirkan oo ay goob-joog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenka aminga iyo siyaasadda gobolka Banaadir iyo guddoomiye ku-xigeenka hawlaha guud, ayaa maamulada degmooyinka lagu faray dardar-gelinta adeegyada dowladda hoose, dib-u-dhiska kaabayaasha, amniga iyo bilicda caasimadda Muqdisho.

































