RA’IISUL WASAARE XAMSE: Waxaa looga fadhiyaa Wasaaradaha Wax-soo-saar Dalka lagu gaarsiin karo isku fillaasho dhaqaale

0
241

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayay sidii kor loogu qaadi lahaa wax-soo-saarka iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, taasoo ku saleysan qorshaha xukuumadda ee casriyeynta dowladnimada Somalia.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradaha looga fadhiyo wax-soo-saar dalka gaarsiin kara isku filnaansho dhaqaale, isagoo kula dar-daarmay in ay yeeshaan wada-shaqeyn dhaw, si wadajir loogu xaqiijiyo hadafka xukuumadda ee la xiriira isku-filnaansho dhaqaale oo ay Soomaaliya gaarto.

Ugu dambeyn, Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira, barnaamijka istiraatijiyadeed ee bangiga horumarinta Afrika iyo qorshaha isbeddelka Qaranka iyo Labs-ka wasaaradaha wax-soo-saara ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here