Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo kala duwanla yeeshay madaxda ka qaybgalaya shirka 36-aad ee Ururuka Midowga Afrika ee ka socda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulammo la qaatay Madaxweynayaasha Burundi Mudane Évariste Ndayishimiye iyo Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan.
Kulamadan ayay madaxweyneyaashu ku dul-istaageen dhibaatada xooggan ee argagixisadu ay ku hayso horumarka iyo xasilloonida Qaaradda Afrika, iyagoo isla meel-dhigay in la iska kaashado citirka kooxaha nabadda diidan si loo xaqiijiyo Afrika nabdoon, horumarsan oo barwaaqo ah.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmay Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abey Ahmed, iyagoo kawada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka, iyagoo isla meel-dhigay dardar-galinta hawlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan kale oo barbar socda shir-madaxeedka 36-aad ee Midowga Afrika, la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame oo ay iska xog-wareysteen xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee ay wadaagaan labada dal.














