Duqa Muqdisho oo soo xiray kulanks la dagaalanka Maandooriyaha iyo amni darada

0
463

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mdane Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa maanta degmada Kaaraan ku soo gebagebeeyey kulanka la dagaalanka Maandooriyaha iyo Amni darada oo ka socday 60-kii cisho ee la soo dhaafay Degmooyinka Magaalada Muqdisho.

Duqa Caasimadda oo munaasadda soo xiray ayaa yiri. “Waxaa noo soo dhamaaday Wacyigelintii aan wedney mudada Labada bilood ah taas oo aan ku tagtay degmooyinka iyo deegamada Gobolka Banaadir, waxaaana noo bilaabanaya fulintii howshaas oo dhib badan, aniga oo u mahadcelinaya ciidmada qalabka sida iyo Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir’
Waxa uu intaa ku daray.

“Waxaan ku boorinayaa shacabka in aan maanta kadib la arag maandooriye iyo wax la mid ah oo lagu iibinayao Magaalada Muqdisho”.
Duqa caasimadda oo sii hadlay ayaa yiri.

‘Ciidanka Asluubta waxa uu diyaar la yahay xanaaneynta daroogiistayaasha laga aruuriyey Magaalada Muqdisho, inagana waxaan ballan qaadeynaa gacansiinta ciidanka Askuubta”

Gebagebadii waxa uu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mdane Cumar Maxamuud Maxamed Filish. ‘Waxaan farayaa ciidanka Asluubta in ay daroogiistayaasha soo saaraan marka la xukumo kadib, iyagoo yaqaana Quraanka Kariimka, yaqaanna waxa u danta ah iyo waxa qaldan, waxaana bogaadin mudan qeybta guud ee ciidanka boliiska Gobolka Banaadir oo dagaal ba’an la galay Maandooriyaha”.

Munaasabadda waxaa goobjoog Ka ahaa saraakiil Ka socotey Wasaaradaha Diinta iyo Owqaafta, Garsoorka, Saraakiisha Amniga sida Boliiska iyo Asluubta, Guddoomiyaasha Degmooyinka, Agaasimayaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Marti sharaf kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here