Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qayb-galay munaasabad lagu soo bandhigayay buugga HADHIWAA ee uu qoray, Maxamed Muuse Jaamac (Maxamed Haldoor).
Ugu horreyn, Duqa Muqdisho ayaa si weyn u boogaadiyay dadaalka iyo juhdiga uu buuggaan geliyay Maxamed Haldoor, si uu u soo bandhigo halgankiisa & hayaankiisa nololeed, waxa uuna xusay in uu dhiirro-gelin u yahay dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka-faala qaaday qarashaadka ku baxaya caafimaadka qoraaga Buugaan, Maxamed Muuse Jaamac (Haldoor) oo ka mid ah dadka baahiyaha gaarka qaba.


























































