SAWIRRO: Xukuumadda oo adeegyada asaasiga ah gaarsiinaysa goobihii laga Xoreeyay Alshabaab

0
554

Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayay dardar-gelinta iyo hagidda xasillinta deegaannada Khawaarijta laga xoreeyey.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha Xukuumadda DanQaran ee xasillinta deegaannada laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta iyo kuwa la xoreyn doono oo ay ugu horreeyaan gaarsiinta adeegyadii guud ee dadweynaha sida, amniga, booliiska iyo garsoorka, si ay uga soo kabtaan dhibaatooyinkii ay u geysteen argagixisadu.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in ay ka go’an tahay ilaalinta nafta, sharafka iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo xaqiijinaya deegaannada cadowga laga saaray la gaarsiinayo hay’adihii dowliga ahaa.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo bandhigay wada-shaqeynta iyo Iskaashiga Wasaaradaha Federaalka iyo kuwa Dowlad-goboleedyada iyo wixii ka qabsoomay 8-dii bilood ee la soo dhoofay xasillinta goobihii horey looga xoreeyey Khawaarijta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here