SAWIRRO: Guddoomiye Madaale oo ka Qayb-galay munaasabad lagu xusayay maalinta biyaha oo lagu qabtay Muqdisho

0
153

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qayb-galay munaasabad lagu xusayay maalinta biyaha adduunka, isla markaana loogu hadlayay arrimaha biyaha, deegaanka iyo isbeddelka cimilada.

Munaasabadan oo ay soo qaban-qaabiyeen waaxda biyaha, deegaanka iyo isbeddelka cimilada maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, aqoonyahanno, agaasimayaal iyo marti sharaf kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here