Hantidhawraha Guud ee Qaranka, Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa qabtay shir-saxaafadeed uu uga hadlay warbixin ku saabsanayd baaris uu dhawaan ku sameeyay tuhun ku aaddan wax-is-dabamarin lagu sameeyay qarash hay’adaha qaar ay qabteen.
Shirkan Jaraa’id oo lagu qabtay Muqdisho, gaar ahaan Hotel Jazeera ayaa waxaa ka ahaa goobjoog, xubno ka socay ururrada bulshada rayidka ah iyo marti kala duwan, waxaana shirka jaraa’id lagu faah-faahiyay baarista ama fatashka sida uu u dhacay iyo natiijooyinkii kasoo baxay.













