Akhriso: War-Muriyeedka kasoo baxay Shirkii Midowga Afrika Qaybtii looga hadlay Arrimaha Soomaaliya

0
270

Shirka 37-aad ee Ururka Midowga Afrika ee lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee Itoobiya ayaa laga soo saaray war-muetiyeed, waxaana idiin soo koobnay qaybtii looga hadlay arrimaha Soomaaliya, waxa uuna bayaanku u qornaa sidan:

1. Midowga Afrika waxa uu bogaadinayaa sida wax ku oolka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u hoggaamoinayo Soomaaliya.

2. In la aqoonaado horumarrada la taaban karo ee ay dowladda federaalka Somalia ka gaartay la dagaallanka Al-shabaab.

3. Waxaan bogaadinaynaa hawlgalka meel ku gaarka ah ee ciidanka Midowga Afrika (ATMIS) ay ka wadaan dalka Somalia yo deeqaha ay ka helaan dalalka caawiya Soomaaliya.

4. In la kordhiyo taageerada dowladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika iyo beesha caalamka si loo xoojiyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

5. In la dhiirri-geliyo dadaallada socda ee lagu wiiqayo kooxaha Khawaarijta ah ee Al-shabaab.

6. Taageeridda hindisayaasha loogu tala-galay kobcinta wadajirka bulshada ee meelaha cusub ee la xoreeyay Al-shabaab.

7. Waxaan soo dhaweynaynaa taageerada dhaqaale ee muhiimla ah iyo saadka la siiyo ciidamada ATMIS ee Soomaaliya ka hawlgala.

8. In la qiro horumarrada laga gaaray ka wareejinta mas’uuliyadaha amniga ee ATMIS, loona wareejinayo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

9. Taageeridda qorshaha wajiga 3-aad ee Juun 2024 ee ay ciidamada ATMIS uga baxayaan Soomaaliya iyo ka bixitaanka u dambeeya ee ATMIS ee December 2024.

10. In la qaado tallaabooyin lagu ilaaliyo guulihii ay 17-kii sano ee la soo dhaafay ka gaareen ciidamada Midowga Afrika hawl-galladii ay ka wadeen Soomaaliya.

11. Waxaan soo dhaweynaynaa taageerada dhaqaale ee ka timaadda CRF iyo dawladaha xubnaha ka ah si loo dhamaystiro farqiga maal-gelineed ee hawgallada ATMIS.

12. Waxaan walaac xooggan ka qabnaa xiisadda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhaltay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya ay la saxiixatay Somaliland.

13. Ururka Midowga Afrika waxaa ka go’an ilaalinta midnimada, wadajirka dhuleed iyo madax-bannaanida dalalka xubnaha ka ah ururka.

14. Waxaan ku baaqaya in la qabto wada-hadallo macno leh oo dhex-mara labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

15. Xoogga in la saaro in xal nabadeed laga gaaro xiisadda u dhexeysa Somalia iyo Itoobiya.

16. Waxaan codsanaynaa in la kordhiyo taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya si loo xoojiyo amniga guud ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here