Baarlamanka Federaalka Somalia labadiisa aqal ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay maanta wax-ka-beddelka cutubyada 1-aad illaa 4-aad ee dastuurka dalka, kuwaas oo ay xildhibaanadu ka doodayeen mudooyinkii lasoo dhaafay.
Xildhibaannada iyo Senetor-rada soo xaadiray kalfadhigii maanta ayay tiradoodu ahayd 254-musane oo labada aqal ah, kuwaasoo kala ahaa; Aqalka Sare oo 42 xubnood ah iyo Aqalka Hoose oo 212 xubnood ah, waxa ayna dhammaantood codka siiyay dastuurka, ma jirin xildhibaan diiday iyo mid la aamusay. Waxaana natiijada ku dhawaaqay guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoominayay kulanka labada aqal.
Codeyntan oo ku billaatay in afarta cutub ee dastuurka oo mid walba si gaar ah ay loogu codeeyo ayaanay jirin xubno diiday iyo kuwo ka aamusay, waxaana dhammaantood ay codkooda siiyeen dastuurka, iyadoo ugu dambeyn, afarta cutub oo isku xiran ay u kala codeeyeen xubnaha labada aqal, iyaga oo si aqlabiyad ah ku meel-mariyay cod.
Tallabadan ayaa imaanayaa iyada oo dhawaan dibadbax uu soo abaabulay maamulka Gobolka Banaadir looga codsaday xildhibaannada labada aqal inay dastuurka ansixiyaan, iyaga oo eegaya danta dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Dastuurka Soomaaliya ayaa ka gudbay maanta KMG-nimo, isaga oo noqonaya dastuur dhameystiran oo uu dalku yeesho muddo ka badan 40-sano.
















