Qeybta Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir oo wada dadaalo biyaha looga saarayo qaar ka mid laamiyada ku yaala Magaalada Muqdisho.
Roobabkii xalay ila maanta ka da’ayey Magaalada Muqdisho ayaa saameyn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka kadib markii ay biya dhigeen wadooyinn badan oo ku yaala degmooyinka iyo deegaamada Magaalada Caasimadda ee Muqdisho.
Roobabka oo ka badan kuwii hore uga di’i jirey Magaalada ayaa waxay kaloo saameyn ku yeesheen dadka barakacayaasha kuwaas oo aan u bacac dhigi karin quwada roobabka xiligan ka da’aya Caasimadda Soomaaliya.
Roobabkan ka da’aya Magaalada ayaa waxay biyo dhigen qaar ka mid ah degmooyinka iyo deegaanada Gobolka Banaadir sida degmooyinka Hawlwadaag, Yaaqshiid, Warta-Nabadda, Wadjir, Xamar Jajab, Xamar-Weyne, Hodon, Deyniile, Dharkeynley iyo Boondheere, waxayna sidaas oo kale saameyn ku yeesheen barakacayaal badan oo ku nool degmooyinka Hodon, Hawlwadaag, Garasbaaleey, Deyniile, Kaaraan iyo Kaxda.
Sikastaba ilaa iyo hadda lama soo werin khaasse nafeed ah , waxaase la soo weriyey guryo dumey oo ku yaala degmada Hodon.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada dadaalo lagula tacalayo biyahaas saameynta ku yeeshay shacabka Magaalada Muqdisho, waxaana howshaas ku guda jira waaxda bulaacadaha iyo nadaahadda dowladda hoose ee xamar oo iyagu u taagan samata bixinta dadka ay saameeyeen roobabka ka da’eyey tan iyo maalmihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho.
Waaxda Bulaacadaha oo gacan ka heleysa qeybta Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa durba bilaabay iney biyaha Booyado uga qaadaan qaar ka mid ah laamiyada Magalaada Muqdisho kuwaas oo ay biyo dhigeen, sidaas si la mid ah Waaxda Nafaaafadda ayaa iyaduna wada iney qashinka ka qaadaan meelaha biyaha laga qaado si uu u hagaago isu socodka Gaadiidka iyo dadweynaha.
Duqa Magaalada Muqdisho Mdane Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish oo kormeeray qaar ka mid ah Wadooyinka ay saameynta ku yeeshaan Roobabaka ka da’aya Magaalada Muqdisho ayaa bogaadiyey shaqooyinka ay waxaan Waaxyaha Bulaacadaha iyo Nadaafadda Dowladda Hoose.














