Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay shaqaaqo ka dhacday Isgoyska Siinaay: MUUQAAL

0
407

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho kula hadlay Warfidiyeenada, kaddib dhacdadii dhimashada iyo dhaawaca sababtay ee halkaasi ka dhacday.

Guddoomiyaha oo ay wehliyeen guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska, Nabadsugidda iyo Guddoomiyeyaal Degmo ayaa sheegay in baaris ay ku socoto dhacdadii isgoyska Siinaay, isaga oo tacsi u diray ehelada dadkii halkaasi ku dhintay, kuwa dhaawaca ahna Rabbi ugu baryay caafimaad degdeg ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here