Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeer ku tagay dekedda weyn ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu shir kula qaatay hay’addaha ka hawlgala dekedda Muqdisho.
Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen, taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir iyo maamulka dekedda Muqdisho ayaa loogu hadlay caqabadaha iyo dhibaatooyinka soo noq noqday oo ay geystaan gawaarida xamuulka ee badeecadaha kasoo qaata dekedda Muqdisho.
Shirka intii uu socday ayaa la isla gartay in la sameeyo guddi kasoo shaqeeya is-waafajinta shaqooyinka ka socda dekedda Muqdisho, waqtiga dekedda ay kasoo bixi karaan, isla markaana ay geli karaan gawaarida waaweyn ee xamuulka ah iyo waqti ay gawaaridan mari karaan jidadka caasimadda si loo bad-baadiyo nafta iyo maalka muwaadinka.
Guddigan ayaa shaqeyn doonna inta ka harsan bisha barakeysan ee Ramadaan, iyadoo lasoo saari doonno hannaanka maareynta waddo marista gawaarida waa-weyn ee xamuulka iyo waqtiga ay gawaarida xamuulka geli karaan, kana soo bixi karaan Dekedda Muqdisho.