Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee Amniga iyo Siyaasadda Mudane Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa maanta daah-furay kulan weyne wada-tashi oo looga hadlayo Qorshaha Horumarineed ee Gobolka Banaadir iyo Magaalada Muqdisho, taasi oo lagu aruurinayo fikaradaha iyo talooyinka qeybaha kala gedisan ee Bulshada ee ku aadan Horumarinta 5-ta sano soo socota ee Magaalada Muqdisho.
Kulankaan oo socon doonna muddo labo maalin ah ayaa waxaa ka qeyb-qaadanaya Ururada Bulshada Rayidka, Ururada Warbaahinta, Hey’adda ka shaqeeya Arrimaha Horumarinta, Takhaatiirta, Bahda Waxbarashada iyo Aqoonyahano kale, iyadoona xog aruurinta diirada lagu saari doonno, Tiirarka Siyaasadda loo dhan-yahay, Amniga & Cadaalada, Horumarinta Dhaqaalaha, Dib-u-dhiska iyo Horumarinta Adeega Bulshada.














