Dhalinyarada Gurmad iyo kooxda fanka Hobalada Qaranka Waaberi ayaa xalay Muqdisho ka sameeyey barmaanij wacyigalin ah, kaas oo gacanta weyn ka geestay maamulka Gobalka Banaadir.
Fannaaniinta ayaa soo bandhigay heeso waddani ah, kuwaas oo shacabka ay aad ugu riyaaqeen, waxaana bandhiggan uu qayb ka yahay wacyi-gelinya shacabka ku nool caasimadda.
Ugu dambeyn, Heesaha ay soo bandhigeen kooxda fanka hobalada Waaberi ayaa waxay intooda badan salka ku hayeen in Soomaalidu aysan qaadanayn gardarro iyo bilicda caasimadda la xoojiyo.

























