Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir G/sare Mahdi Cumar Muumin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaan magaalada Muqdisho lagu dhex arki karin qof hub la la maraya gudaha caasimadda.
“Ciidamada kala duwan ee magaalada qoryaha ku dhex wata waxaan u sheegeynaa inay qoryaha ugu soo tagaan xiryahooda,” ayuu yiri taliyaha.
Sidoo kale, Taliye Mahdi ayaa sheegay in saraakiisha booliiska lagu wargeliyay inaysan hub la dhex mari karin Xamar, waxa uuna xusay inay noqonayaa kuwa ugu horreeya ee amarkan fulinaya, cid kalena aan laga ogolaan doonin inay ku xad-gudubto.
Ugu dambeyn, G/sare Macallin Mahdi ayaa sheegay inay u taagan yihiin fulinta amarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ahaa inaan hub lala dhex-mari karin Caasimadda.













