Guddoomiye Madaale oo ka Qayb-galay Kulan Afur Wadareed ahaa oo ka dhacay Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir: SAWIRRO

0
237

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa si wadajir ah ugu qeyb-galay munaasabad afur ah oo lagu qabtay xarunta degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in muddo gaaban gudaheeda horumar kala duwan laga sameeyay degmada Kaxda. Waxa uu xusay dhibaatooyinka ay daroogga ku hayso bulshada, gaar ahaan da’yartii Soomaaliyeed, isaga oo ku baaqay in si wadajir ah looga hortago dhibaatada uu maandooriyuhu ku hayo bulshada.

Munaasabadan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Wasiiru-Dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Guddoomiyeyaal Degmo, Agaasimeyaal, Saraakiisha Amniga, Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay shacabka degmada Kaxda sida ay isugu tashadeen, isla markaana ay horumarka degmadooda gacan weyn ugu geysteen. Isaga oo sheegay in hormarinta kaabayaasha bulshadu ee ay ugu horreeyaan dhismaha waddooyinka ay qeyb weyn ka qaataan bilicda, horumarka iyo amniga.

“Degmada Kaxda waxaa deggan dad iimaan iyo akhlaaq leh, lagamana filaayo in daroogo iyo khawaarij ku faafto, labaduba waxa ay ku faafaan meelaha jahligu yaal, halkaanna waa goob culimo oo kitaabta lagu akhriyo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Sidoo kale, Waxa uu sheegay in horumarka degmada ay qeyb weyn ka qaadatay isbeddelka amni ee jira, taas oo keentay in lala affuro bulshada Kaxda oo kamid ah degmooyinka dhaca cirifyada. Isagoo ku daray intaas in amniga caasimaddu uusan hagaageen haddii aan laga caqabado badan dhowr ah oo kala ah, Khawaarijta, Ciyaal-weerada, hubkii magaalada lagu dhex watay iyo nidaaminta Bajaajta.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa xusay in wax laga qaban doono baahiyaha kale duwan ee ka jira degmada iyo guud ahaan gobolka Banaadir, isaga oo ugu baaqay shacabka in ay bixiyaan canshuurta, si loogu beddelo horumar iyo amni, caasimadduna u noqoto mid la tartanta caasimadaha dhiggeeda ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here