Golaha Wasiirrada XF oo Ansixiyay Magacaabidda Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka

0
223

Golaha Wasiirrada Xukuumada Federaalka Somalia oo maanta yeeshay kulankoodii toddaabadlaha ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta wasaaradda amniga gudaha ee agaasimaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka in uu noqdo, mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Agaasimaha NISA, mudane Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhawr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin; wasiir, xildhibaan, danjire iyo agaasimaha hay’adda NISA oo uu noqonayo markii saddexaad.

SIidoo kale, Golaha wasiirrada ayaa uga mahad-celiyey agaasimihii hore ee NISA, mudane Mahad Maxamed Salaad mudadii uu xilka hayay shaqadii uu Qaranka u soo qabtay.

Dhanka kale, Agaasimihii hore ee hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa qoraal uu kaga hadlay xil-ka-qaadistiisa ku yiri:

“Marka hore waxa aan si gaar ah ugu mahad-celinayaa madaxweynaha JFS, mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo i siiyay fursad aan ugu adeego dadkeyga iyo dalkeyga laga soo billaabo May 26, 2022-kii illaa maanta oo aan hayay xilka taliyaha hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, sidoo kale waxa aan u mahad-celinayaa ra’iisul wasaaraha XFS, mudane Xamse Cabdi Barre iyo golihiisa wasiirrada oo ila garab-taagnaa kalsooni iyo wada-shaqeyn hagar la’aan ah iyo guddoonka iyo xildhibaanada baarlamaanka labadiisa Aqal.

Intaas kaddib, waxaan hambalyo u dirayaa taliyaha cusub ee hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka ee NISA, mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo mar kale nasiib u yeeshay in uu maamulo hay’adda NISA.

Ugu dambeyn, Bulshada Soomaaliyeed waxa aan ugu adeegnay awood tan ugu sarreysa ee aan hell karnay, waxaana xusid mudan in shaqadaas adag ay laf-dhabar u ahaayeen saraakiisha iyo hawl-wadeennada hay’adda oo garab igu siiyay. waxaan leeyahay dhammaantiin waa mahad-santihiin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here