Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Ku-simaha Wakiilka QM ee Soomaaliya: SAWIRRO + MUUQAALLO

0
430

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir hlahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay ku-simaha wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya marwo Kiki Gbeho iyo xubno ka tirsan xafiiska UNSOM.

Duqa Muqdisho iyo Marwo Kiki ayaa ka wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladaha guud ee amniga dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray sugidda amniga Caasimadda, taasoo xafiiska QM u amaanay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir doorka muhiimka ah iyo juhdiga uu ku bixiyay sugidda amniga Muqdisho.

Sidoo kale, kulankan ayaa loogu hadlay xal u helida arrimaha barakacayaasha maadaama magaalada Muqdisho ay marti-geliso kumannaan barakacayaal oo siyaabo kala geddisan ugu kala yimid gobollada dalka, kuwaasoo kasoo hayaamay dhibaatooyinka abaareed iyo dagaallada lagula jiro kooxaha Khawaarijta.

Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa sheegay inay si dhaw maamulka Gobolka Banaadir kala shaqeyn doonnaan arrimaha horumarka Caasimadda iyo dib-u-dhiska, iyagoo soo dhaweeyay qorshaha Duqa Magaalada Muqdisho ee dib ugu dhawaaqista Barnaamijkii hirgalay ee dalkaaga ku dhiso hal doollae ($1).

Ugu dbeyn, Ku-simaha wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Somalia Marwo Kiki Gbeho ayaa sheegtay in isku tashiga bulsho uu yahay mid wax weyn ka beddeli kara ku tiirsanaashiyaha gacmo kale, waxa ayna maanta ka qayb-qaadatay barnaamijka dalkaaga ku dhiso $1, iyadoo ballan-qaaday inay xoojin doonto wada-shaqeynta xafiisyada QM iyo kan maamulka Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here