Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa boqollaal shacab ah iyo hawl-wadeennada maamulka gobolka Banaadir salaadda ciidul fidriga kula tukaday Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.
Guddoomiyaha ayaa salaadda kaddib u duceeyey ummadda islaamka ah meel kasta oo ay joogaan in Eebe ka dulqaado dhibaatada, isaga oo ku dardaarmay in la is cafiyo.
Dhanka kale, Duqa Muqdisho ayaa xusay in shacabka caasimadda ku nool ay kala shaqeeyaan sugidda amniga ciidamada dowladda, si looga hortago falalka kaasoo horjeeda amniga lagu naaloonayo.


























































