Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada ku nool Caasimadda dalka ee Muqdisho munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga.
Mudane Madaale ayaa ku boorriyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan ayna garab-istaagaan dadkeenna danyarta ah, si dhammaanteen aynu u dareenno farxadda ciidda, taasoo qayb ka ah acmaasha wanaagsan ee Alle ina faray.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Madaale ayaa shacabka Soomaaliyeed Alle uga baryay in uu ka aqvalo acmaashii ramadaanka ee ay soo guteen, waxa uuna u rajeeyay inay sanadkan sanadkiisa ku gaaraan baraare iyo barwaaqo.













