Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa garoonka Diyaaradah Muqdisho ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabelle Cali Xuseen Guudlaawe oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.
Sidoo kale soo dhaweynta ayaa waxaa qeyb ka ahaa, Ra’iisul Wasaarihii hore, Madaxweynihii hore ee Hirshabelle, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweyne Guudlaawe ayaa la filayaa inta uu Muqdisho joogo inuu la kulmo Madaxda ugu sareysa dowladda iyo Xildhibaannada ka soo jeeda Hirshabelle.
Socdaalkiisa Muqdisho ayaa ku soo aadaya, iyadoo inuu bilowdo shir u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo looga hadlayo xalinta tabashooyinka ka jira doorashooyinka.














