Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qayb-galay kulan wacyigelin bulsho iyo dardar-gelinta amniga ahaa oo lagu qabtay degmada Shingaani ee magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa qayb ka ahaa qorshaha daadajinta amniga caasimadda ee degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir, waxaana goob-joog ka ahaa guddoomiyaha degmada Shingani, marwo Safiyo Cusmaan Maxamed, saraakiisha laamaha amniga ee degmada Shingaani, odayaasha dhaqanka, dhallinyarada iyo haweenka.
Duqa Caasimaddda ayaa ku ammaanay bulshada degmada Shingaani, maamulkooda iyo laamaha amniga oo is-garab-sanaya sida ay ugu guuleysteen sugida amniga, isaga oo sheegay in looga fadhiyo u dhabar adeyga iyo dardar-gelinta amniga ka jira degmada Shingaani.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Madaale ayaa ugu baaqay bulshada Shingaani in ay ka qayb-qaataan dib-u-dhiska iyo horumarka degmada, maadaama guulo laga gaaray dhinacyada amniga, waxa uuna si gaar ah ugu baaqay milkiilayaasha guryaha bur-bursan in ay dib u dhistaan – maadaama caasimadda ay cagta saartay waddadii horumarka.





































