Taliyaha Ciidanka Booliiska Somalia oo Sagootiyay Saraakiil iyo Kormeerayaal aqoon-kororsi loogu diray dalka dibaddiisa: SAWIRRO

0
291

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa maanta xaflad sagootin ah ugu sameeyaya Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed saraakiil iyo kormeerayaal ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliyeed, kuwaas oo dalka dibaddiisa loogu diray aqoon kororsi ku aaddan sare-u-qaadidda xirfadaha booliiska.

Saraakiishan iyo kormeerayaashan oo ay tiradooda tahay in ka badan 100-askari ayaa u ambabaxay dalalka ku kala yaalla Qaaradaha Yurub, Afrika iyo Aasiya, waxa ayna ku soo baranayaan xirfadaha kala duwan ee la xiriira shaqooyinka booliiska.

Jeneraal Sulub oo la hadalay saraakiisha iyo kormeerayaasha ayaa kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan xirfadaha wadamada ay u ambabaxayaan, sidoo kalana uga faa’iideeyaan xirfadaha ay horay u barteen

Ugu dambeyn, Mudooyinkii lasoo dhaafay taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Firin ayaa waday dadaallo kor loogu qaadayo xirfadaha booliiska, iyada oo waddamada xubnahan tababarka u aadeen ay horay u ballan-qaadeen inay tababarro siin doonaan ciidanma booliiska Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here