Ra’iisul Wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya u qaabilsan Geeska Afrika, mudane Vladimir Orlié oo maanta soo gaaray Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Xamse iyo ergeyga ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga taariikhiga ah ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Seerbiya.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa ka guddoomay ergeyga dhambaal uu ka waday madaxweynaha Seerbiya, mudane Aleksandar Vučić, isaga oo uga mahad-celiyay Dowladda Seerbiya garab istaagga iyo taageerada ay u muujisay Soomaaliya, gaar ahaan dib-u-dhiska ciidanka Qaranka oo xilligaan muhiim u ah dalka.
Ugu dambeyn, Ergeyga Madaxweynaha dalka Seerbiya ee Geeska Afrika ayaa ku bogaadiyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed guulaha ay ka gaareen dowlad-dhiska iyo horumarinta Somalia, waxa uuna xusay miro-dhalka dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo deegaannada laga xoreeyey.














