Guddoomiyaha Aqalka Sare oo soo xiray Carwada Buugaagta Muqdisho. #MBF2023: SAWIRRO

0
318

Magaalada Muqdisho, waxaa caawa lagu soo gaba-gabeeyay Carwada Buugaagta Muqdisho #MBF2023, kaasoo socday 24-26, May. Waxaana lagu soo bandhigay buugaag fara badan oo ay qoreen dad u badan dhallinyaro, waxaa intooda badan ay ka hadlayeen; Diinta, horumarka, afka, dhaqaalaha, ganacsiga, suugaanta, iyo waxbaayo kale oo fara badan.

Agaasimaha Muqdisho Book Fair, Maxamed Dini oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in Carwada Buugaagta Muqdisho ay tahay markii toddobaad oo lagu qabto Muqdisho, isagoo xusay in sannadkan uu kaga duwan yahay kuwii hore iyadoo lagu qabtay Tiyaatarka Muqdisho oo dayactir ballaaran lagu sameeyay.

 Prof. Maxamed Xaaji Mukhtaar oo bare ka ah Jaamacadda Savannah State oo qoray buugga – ‘HABKA CILMIBAARISTA TAARIIKHDA SOOMAALIDA’ oo ka hadlay #MBF2023 ayaa yiri: “Qoraalladeyda waxa ay u badan yihiin afaf kale. Buuggan ayaa ugu horreeya dhigane Afsoomaali ah. Waxa uu hagayaa ardayda iyo qof kasta oo raba in uu baaris sameeyo. Anigu ma helin macallin iyo buugaag Soomaali ah oo i caawiya, balse adinka buuggaan ayaa idiin noqon doona hage aad wax badan ka faa’iidaan.”

 Bahja Jaamac oo iyaduna ah qoraaga buugga; RAADRAAC oo qoraya alifbeetada ayaa waxa ay tiri: “Boqolkiiba sideetan (80%) ilmaha Soomaaliyeed waxaa gacanta ku haya hooyada, marka waxaa muhiim ah in hooyadu ku baraarugsan tahay muhiimadda waxbarashada, xitaa haddii aysan wax-baran iyadu, waxaan idinku boorrinayaa ilmaha qalbigiisa in aqoonta lagu dego, laguma ababiyo inta uu yar yahay. Waxaan idin kula dardaarma ilmaha hadduuba 7-sanno ka yar yahay in aadan ul la aadin, xitaa aadan handadin.”

 Sidoo kale, Maxamed Cabdi Xaraare oo qoray buugga RAAD oo ka hadlay saxaafadda muuqaalka ayaa waxa uu yiri: “Buuggan waxa uu ka dhashay baahi ani i haysay xilli aan waddan qurbaha ka mid ah jaamacad ka dhiganayay. Waxa aan billaabay in aan raadiyo buug ka hadlaya Documentary Production, balse nasiibdarro dhammaan waxa ay ahaayeen kuwo ku qoran af shisheeye, xilligaas aad ayaan u danaynayay in aan helo buug afkeenna ku qoran oo arrimahaan ka hadalaya.”

Xiritaankii Carawada Buugaagta Muqdisho #MBF2023, ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya, guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale, waxaana hadallo ay jeediyeen ay ku soo dhaweeyeen carwadan oo ay ku tilmaameen mid sare u qaadaysa wacyiga dhallinyarada Soomaaliyeed, oo suuro-gelinaysa in wax la qoro, lana sameeyo cilmibaarisyo kala duwan.

Ugu dambeyn, Mas’uuliyiintii xiritaanka #MBF2023 kasoo qaybgalay waxaa la guddoonsiiyay buugaag ka mid ah kuwii lagu soo bandhigay carwada, waxaana wasiirka amniga gudaha uu iibiyey 100 buug si uu  u dhiirri-geliyo dhallinyarada buugaagta qortay iyo dadka ka ganacsanaya buugaagta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here