Degmadda Heliwaa oo Guuleysatay

0
388

Tartan Aqooneedkii bisha barakeysan ee Ramadaan ee degmooyinka iyo deegaanada Gobolka Banaadir oo ka socdey Idaaacadda codka Caasimadda ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta la soo gebagebeeyey.

Tartanka oo ay ka qeyb galeen 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir iyo 3-da deegaan ayaa waxaa kama danbeysta isu soo haray Degmooyinka Heliwaa iyo Kaxda oo hore uga soo kala badiyey degmooyinka Xamar Jajab iyo Gubadleey.

 Tartamayash degmada Heliwaa ayaa 16 dhibcood kaga adkaaday tartamayaasha degmada Kaxda oo urursaday 9 dhibcood, sidaas ayaa waxaa Horyaalka degmooyinka iyo deegamada Gobolka Banaadir ku noqday degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho.

Kaalinta 3-aadna waxaa galay deegaanka Gubadleey oo ka adkaatay degmada Xamar Jajab.

Maamulka Idaacadda ayaa u hambalyeeyey tartamayaasha degmada Heliwaa oo noqday Horyaalka degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, waxa sidoo kale Maamulka Idaacaddu u mahadceliyey gudiga tartanka, Maamulka Gobolka Banaadir oo tartanka maalgeliyey iyo Mu’asasada Jaabir Bin Xayaan oo su’aalaha soo diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here