Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir gudoomiyay shirka degmooyinka kaas oo ay kasoo qeyb galeen madaxda maamulka gobolka iyo maamulada degmooyinka.
Ujeedka shirkan ayaa ahaa mid uu Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish ku farayay mas’uuliyiintii kulankan kasoo qeyb gashay sidii loo dardargalin lahaa horumarinta Bilicda Caasimadda iyo u diyaar garowga munaasabada Ciidul Fidriga.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ka hadlay muhiimada ay lee dahay in Bulshada Caasimadda ay ku ciidaan Magaala Bilic. leh oo xasiloon, isagoo intaa ku daray in maamulada degmooyinka lagula xisaabtami doono nadaafada degmadooda.