Guddoomiye Muungaab oo Dalbaday in la Dardar-geliyo Taageeridda Ololaha Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha: SAWIRRO

0
61

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Aqalka Dawladda Hoose ku shir-guddoomiyay kulan looga hadlayay dardargalinta kaalinta ay Maamulka Gobolka iyo Degmooyinku ka qaadanayaan fududeynta habsami-u-socodka Ololaha Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Doorashada Qof iyo Codka ah.

Guddoomiyaha ahna Duqa Caasimadda ayaa Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ka dhagaystay warbixinno ku saabsan xaaladaha ka jira goobaha loo asteeyay Diiwaangelinta ee ku yaalla degmooyinka iyo baahida loo qabo in la kordhiyo agabka iyo goobaha si loo xaqiijiyo in dhammaan Muwaaddiniinta Caasimadda ay helaan fursadaha ay isku diiwaangelinayaan oo ugu diyaargaroobayaan codbixinta Doorashada la filayo in ay dhawaan Dalka ka dhacdo.

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa Madaxda Degmooyinka ku ammaanay sida hagar la’aanta ah ee ay uga qeybqaataan dhaqaajinta ololaha wacyigelinta iyo guud ahaan diiwaangelinta ka socota degmooyinka, isaga oo ka-qeybqaadashada degmooyinka iyo Maamulka Gobolka Banaadir ee hawshan ku sheegay mid sabab u noqotay in ay xoogeysato wacyigelinta.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa kula balamay guddoomiyayaasha degmooyinka in la sii laba-jibaaro dadaalka lagu taageerayo Guddiga Qaran ee Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, si maalmaha kooban ee ka haray Diiwaangelinta loo xaqiijiyo in ay Caasimaddu diyaar la noqoto malaayiin codbixiyayaal ah oo ka qeybgali doona Doorashada soo socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here